Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo La Kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, si loo Xoojiyo Iskaashiga Amniga iyo Horumarinta

Muqdisho, Soomaaliya – 08 Juunyo 2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta awoodda hay’adaha amniga, iyo taageerada farsamo ee lagu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo ku saleysan danaha wadajirka ah iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibbada caalamiga ah.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageerada tababarrada iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Amniga Gudaha, xoojinta awoodda hay’adaha amniga, iyo kor u qaadista iskaashiga la xiriira ka hortagga khataraha amni iyo la tacaalidda walxaha qarxa iyo miinooyinka oo halis ku ah badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Shiinaha, iyada oo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhismaha awoodaha hay’adaha dowladda, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasillooni dalka ka hanaqaadda.

Scroll to Top