Mogadishu-Luulyo-23 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha diyaar-garowga kulanka hordhaca u ah Shirweynaha Amniga Dalka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isku-duwidda qorshayaasha, dardargelinta qabanqaabada iyo dejinta jadwalka hawlaha mudnaanta leh si loo xaqiijiyo qabsoomidda shir si hufan loo soo agaasimay.
Shirka waxaa ka qayb galay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, qubaro iyo la-taliyeyaal ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha, iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Amniga Qaranka. Doodaha ayaa xoogga lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, wadaagga xogta iyo isku-duwidda hay’adaha ay khusayso si loo mideeyo dadaallada lagu horumarinayo amniga dalka.
Agaasimaha Guud ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay dardargeliyaan fulinta qorshayaasha la dejiyay, isagoo xusay in Shirweynaha Amniga Dalka uu noqon doono madal lagu falanqeeyo mudnaanta amniga qaranka laguna dejiyo qorsheyaal lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo tayeynta hay’adaha amniga.





