Wasiir Ku Xigeenka

Janaraal Sulub Axmed Firin

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha

Khibrad: Amniga | Booliska iyo | Maamulka Dowladda

Experience: 19+ years

Taariikh Nololeed

Janaraal Sulub Axmed Firin waa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2025. Waa sarkaal sare oo leh khibrad dheer oo ku saabsan amniga, booliska iyo maamulka dowladda, isaga oo muddo ka badan labaatan sano kasoo shaqeynayay hay’adaha amniga iyo difaaca dalka. 

Ka hor magacaabistiisa xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Janaraal Sulub waxa uu sanadkii 2024 soo 

noqday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, halka intii u dhaxaysay 2023 ilaa 2024 uu ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu mudadaas door muhiim ah ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo amniga, dib-u-habeynta booliska iyo horumarinta hay’adaha amniga dalka. 

Intii u dhaxaysay 2022 ilaa 2023, waxa uu ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Sidoo kale, sanadihii 2018 ilaa 2019 waxa uu hoggaaminayay Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, halka 2017 ilaa 2018 uu ahaa Taliye Ku-xigeenka Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. 

Janaraal Sulub waxa uu sidoo kale soo qabtay xilalka Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed (2016–2017), Kaaliyaha Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2015, iyo Taliyaha Ammaanka ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya sanadihii 2010 ilaa 2012. Waxa kale oo uu ahaa Taliyaha Gurmadka Degdegga ah ee Booliska Soomaaliyeed (2009–2010) iyo Kaaliyaha Taliyaha Waajibaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2009. 

Safarkiisa shaqo waxa uu ka bilaabay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sanadkii 2004, halka sanadkii 2005 uu kamid noqday Ilaalada Madaxtooyada ee Jowhar. Sanadkii 2006 ayuu kamid noqday 210-kii askari ee ugu horreeyay ee dib loogu aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. 

Dhanka waxbarashada, Janaraal Sulub waxa uu Jaamacadda Makerere University ee dalka Uganda ka qaatay Diblooma Sare ee Maareynta Nabadda iyo Amniga iyo Diblooma Sare ee Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka. Sidoo kale, waxa uu shahaadooyinka jaamacadda heerka koowaad ka qaatay Daraasaadka Amniga iyo Maamulka Dadweynaha.

Intaa waxaa dheer, waxa uu tababaro xirfadeed oo heer caalami ah ku qaatay dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, hoggaaminta booliska, ilaalinta madaxda, maamulka socdaalka iyo ka hortagga tahriibinta dadka, kuwaas oo lagu qabtay Kenya, Itoobiya, Masar, Nigeria iyo Uganda. 

Scroll to Top