Agaasimaha Guud
Md. Maxamed Xasan Shire
Director General
Khibrad: Siyaasad-dejin | Maamul | Hoggaan Istiraatiiji ah | Horumarinta Dhaqaalaha
Experience: 16+ years
Taariikh Nololeed
1-da Abriil 2026, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Mudane Maxamed Xasan Shire u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.
Ka hor magacaabistan, Mudane Shire waxa uu soo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga,
iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&DH) intii u dhexeysay Maajo 2023 ilaa Maarso 2026, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta qorsheynta qaranka, xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda, iyo waafajinta mudnaanta dowladda ee qorshayaasha horumarineed ee dalka.
Mudane Shire waxa uu leeyahay in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan maamulka dowliga ah, hoggaaminta istiraatiijiga ah, iyo dejinta siyaasadaha, isaga oo si gaar ah uga soo shaqeeyay dhinacyada dowlad-dhisidda, nabad-dhisidda, iyo dib-u-habaynta amniga.
Intii uu ku jiray waayihiisa shaqo, waxa uu ka qeyb qaatay hirgelinta barnaamijyo kala duwan oo diiradda saaray xasillinta, dib-u-dhiska hay’adaha, iyo horumarinta bulshada ee deegaanada nugul. Shaqadiisa waxa si gaar ah diiradda ugu saaray taageeridda bulshada nugul sida haweenka, carruurta, iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay.
Laga soo bilaabo 2014, Mudane Shire waxa uu hoggaamiyay barnaamijyo muhiim ah oo la xiriira hub ka dhigista, kala dirista maleeshiyaadka, iyo dib-uga-midnoqoshada bulshada (DDR), iyo sidoo kale dhisidda nidaamyada sharci iyo maamul ee deegaannada dib looga xoreeyay kooxaha hubeysan.
Sidoo kale, waxa uu la-taliye sare u ahaa Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, halkaas oo uu talo ka bixiyay arrimaha sinnaanta jinsiga, xuquuqda aadanaha, iyo ilaalinta carruurta ku nool goobaha colaadaha.
Marxaladaha hore ee shaqadiisa, Mudane Shire waxa uu ka soo shaqeeyay Xafiiska Madaxweynaha, isaga oo si dhow ula shaqeeyay Agasimaha Guud (chief of staff), ka hor inta uusan u wareegin Xafiiska Amniga Qaranka (National Security Office – NSO), halkaas oo uu ka qeyb qaatay horumarinta iyo dib-u-habaynta nidaamka amniga qaranka Soomaaliya.
Intii uu ka tirsanaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Mudane Shire waxa uu bixiyay falanqayn siyaasadeed iyo mid amni, isaga oo talooyin ka siiyay howlgalka dhinacyada nabad ilaalinta iyo xasillinta, gaar ahaan deegaannada cusub ee laga xoreeyay kooxaha hubeysan.
Dhinaca kale, Mudane Shire waxa uu ahaa Agaasimaha shirkadda Dansom oo ka shaqeysa la-talinta horumarinta nabadda iyo amniga. Waxa kale oo uu hore u soo hoggaamiyay barnaamijka wadajirka ee booliska oo ay maalgelinayeen deeq-bixiyeyaal badan, kaas oo taageerayay horumarinta ciidamada booliska heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Mudane Shire waxa uu haystaa shahaadada heerka labaad (Master of Science) ee Maamulka Amniga, Khilaafaadka iyo Horumarinta Caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Leicester, iyo shahaadada Bachelor of Arts ee Siyaasadda oo uu ka qaatay Jaamacadda East London.