Muqdisho, 6 Oktoobar 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka laba-toddobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha socda, qorshe-hawleedka waaxyaha iyo mudnaanta shaqo. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale ka warbixiyey safarkii shaqo ee Wasaaradda ee dalka Shiinaha iyo kulamadii uu la xiriiray.
Sidoo kale, waxaa laga hadlay dib-u-dayactirka xarunta Wasaaradda, u diyaar-garowga miisaaniyadda 2026–2027, xaaladda shuruucda iyo siyaasadaha, iyo howlaha mudnaanta leh ee u baahan dardargelin.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey diyaarinta qorshaha waxqabadka sannadlaha ah, xoojinta isku-duwidda waaxyaha iyo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo fulinta howlaha Wasaaradda.





