Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo ka qaybgalay shir caalami ah oo ka dhacay Lianyungang

LIANYUNGANG, Shiinaha — Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Senator, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay furitaanka shirkii ugu horreeyay ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Dambiyada Internetka iyo Isgaarsiinta, kaas oo lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha.

Shirka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo dambiyada la xiriira internetka iyo isgaarsiinta, iyadoo xoogga la saaray sidii hay’adaha fulinta sharciga ee dowladuhu si wadajir ah uga hortagi lahaayeen dambiyadaas.

Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Dambiyada Internetka iyo Isgaarsiinta wuxuu ujeedkiisu yahay inuu fududeeyo is-weydaarsiga xogta iyo sirdoonka, iskaashiga baaritaannada, is-dhaafsiga caddeymaha, iyo qabashada iyo soo-celinta hantida ka dhalata dambiyada.

Sidoo kale, Isbahaysigu wuxuu taageeri doonaa tababarrada hay’adaha fulinta sharciga, wuxuuna qabanqaabin doonaa ololeyaal wacyigelin ah, soo saari doonaa digniino ku saabsan dambiyada internetka iyo isgaarsiinta, isla markaana diyaarin doonaa warbixinno ku saabsan isbeddellada iyo horumarka dambiyada noocan ah.

Scroll to Top