Muqdisho, Soomaaliya 10-05-2026: – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay Wadahadalka Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee lagu qabtay Muqdisho.
Kulanka ayaa qeyb ka ah qaab-dhismeedka Heshiiska Samoa, oo ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto, kaas oo looga wada shaqeeyo arrimaha nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha, socdaalka iyo dowlad-dhiska.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyadoo ay kasoo qeybgaleen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirrada dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo heer sare ah.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadda, xasilloonida iyo maamulka socdaalka, iyadoo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu si gaar ah u taabtay ajendayaasha la xiriira amniga gudaha iyo iskaashiga socdaalka.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo gobolka, howlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, taageerada Midowga Yurub ee la xiriirta xilliga kala guurka ee AUSSOM, iyo aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi ku dhisan kalsooni, mas’uuliyad wadajir ah iyo ixtiraamka karaamada aadanaha, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta maamulka socdaalka, dib-u-celinta, dib-u-qaabilaadda iyo dib-u-dhexgalka dadka Soomaaliyeed si waafaqsan shuruucda dalka iyo xuquuqda aadanaha.
Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhexgalka dadka dib loogu soo celiyo dalka lagu saleeyo taageero waarta, fursado nololeed iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda, si loo xoojiyo xasilloonida bulshada iyo horumarka dalka.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada dowlad-dhiska, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, geeddi-socodka dastuurka, taageerada dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka, iyo sidoo kale iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee qeyb ka qaadanaya horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo diiradda la saarayo nabadda, xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumar waara.


