






Nairobi, Kenya, Isniin , 11,May 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeybgalay shir heer sare ah oo ku saabsan hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidka (Protection of Civilians Policy – PoC), kaas oo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taageero farsamo ay bixisay Xarunta Ilaalinta Rayidka ee Colaadaha (CIVIC).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidka iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka inta lagu jiro howlaha amniga iyo xasillinta dalka.
Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan isku-duwid iyo wada-shaqeyn dhow si loo xaqiijiyo hirgelin wax ku ool ah ee siyaasaddan qaran, isaga oo xusay in ilaalinta rayidka ay tahay tiir muhiim u ah amniga, xasilloonida iyo dhismaha kalsoonida shacabka.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta isla xisaabtanka, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta hannaan amni oo mudnaanta siinaya badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada, AUSSOM, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo hay’ado kale oo caalami ah oo taageera nabadda, amniga iyo ilaalinta rayidka Soomaaliya.


