Wasaaradda
Wasaaradda Amniga Gudaha waa hay’ad Dasturi ah oo heer Wasaaradeed ah taas oo qaabilsan kor joogtaynta dhammaan Hay’adaha Amniga Gudaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka, waxay u xilsaarantahay xaqiijinta badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasaaradda waxey mas'uul ka tahay:
-
Diyaarinta iyo soojeedinta siyaasado, xeerar iyo qorsheyaal ku aaddan sidii loo hagaajin lahaa amniga gudaha;
-
Diyaarinta, soo jeedinta iyo fulinta siyaasado loo adeegsado hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta kooxaha hubaysan;
-
Soo diyaarinta nidaamyada siyaasadeed ee ugu habboon oo lagu sugi karo amniga gudaha;
-
Ilaalinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka ee xuduudaha Jamhuuriyadda;
-
Diiwaangalinta shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay iyo hubka fudud ee sharcigu oggol yahay in shakhsiyaadku haysan karaan;
-
Ilaalinta amniga guud ee dalka iyo ka hortagga khatar iyo xasilloonidarri ka dhalata gudaha dalka;
-
Horumarinta iyo nidaaminta tayada, aqoonta, xirfadlenimada, anshaxa iyo dhex-dhexaadnimada Ciidanka Booliska ee heer federal;
-
Daraasaynta iyo soojeedinta siyaasadaha iyo shuruucda qaranka ee loogu baahanyahay arrimaha la xidhiidha:
-
dhowrista sirta qaranka iyo ka hortagga basaasidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
-
Xog iswaydaarsiga iyo iskaashiga lala samaynayo dalalka kale.
-
Amniga nidaamyada danabaysan (cybersecurity).
-
Maamulista shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay, iyo
-
haysashada hubka.
-
-
Korjoogteynta hay’adahan iyo wixii hay’ado kale ah ee xeerar gaar ahi u xilsaaro:
-
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
-
Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
-
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
-
SEMA ( Hay’adda Maaraynara Walxaha Qarxa)
-
WAM (Hubka iyo Maareynta Rasaasta).
-
Amniga Badda.
-
Difaaca Madaniga ah.
-
-
-
La xisaabtanka dhammaan hay’adaha Amniga gudaha sida; Boliiska, Sirdoonka, Sodaalka iyo Jinsiyadda, hay’adda Maaraynta walxaha qarxa, iyo Aminga Xeebaha.
-
Ilaalinta xadgudubyada loo gaysanayo muwaadinka Soomaaliyeed, ilaalinta cadaaladda iyo sinaanta, si hay’ada fulinta aysan awoodahooda ugu isticmaalin meela khaldan.
Aragtida Dhow
Aragtida dho ee Wasaaradda amniga gudaha waa dhisida hayadaha amniga gudaha oo si hufan u shaqeynaya iyo dib u soo celinta kala dabaynta amniaga dalka hirgalinta sharciga dalka
Hiigsiga Fog
Hiigsiga Wasaaradda Amniga Gudaha waa abuurista Soomaaliya oo ammaan ah, federaal ah oo nabad waarta haysata, sidoo kale deriskeeda iyo caalamkaba nabad kula noolaata ayna ka jirto caddaaladda iyo sareynta sharciga iyadoo ilaalinaysa dastuurkeeda