Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda UNDP Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhammaan mashaariicda iskaashiga ee u dhexeeya Wasaaradda Amniga Gudaha iyo UNDP Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo horumarinta hay’adaha amniga. Si gaar ah waxaa looga wada hadlay Barnaamijka Joint Police Program (JPP) Face 2.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Evariste Sibomana, Portfolio Manager (Maareeyaha Barnaamijka Maamulka Isbeddelka) ee UNDP Soomaaliya, iyo Petrit Skenderi, Project Manager ee JPP, UNDP Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dardargelinta iyo xoojinta hirgelinta Barnaamijka JPP Face 2, kaas oo diiradda saaraya taageerada iyo horumarinta hay’adaha Booliska Soomaaliyeed, si loo kordhiyo awooddooda shaqo, tayada adeegga, iyo hufnaanta guud ee nidaamka amniga dalka.

Agaasimaha Guud waxaa kulanka ku wehliyey La-taliyeyaasha Wasaaradda Amniga Gudaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay doodaha iyo isfahamka ku saabsan fulinta barnaamijka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii wadista iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Amniga Gudaha iyo UNDP Soomaaliya, si loo gaaro horumar waara oo dhanka amniga ah.

Scroll to Top