Wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Barnaamijka Maamulka iyo Nabadda ee Soomaaliya (SJGAP) ayaa maanta Muqdisho ka furay aqoon-is-weydaarsi loogu talagalay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, kaas oo lagu diyaarinayo qorshe shaqo oo mideysan oo lagu dardargelinayo howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda muddo lix bilood ah.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Mohamed Xasan Shire, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan SJGAP. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa mudnaanta Wasaaradda iyo taageerada farsamo ee SJGAP, si loo helo qorshe shaqo oo cad oo lagu horumarinayo waxqabadka Wasaaradda.
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa si gaar ah diiradda u saaraya saddex qodob oo mudnaan leh, kuwaas oo kala ah horumarinta wasaaradda iyo shaqaalaha, xoojinta isku xirka hay’adaha iyo siyaasadaha, iyo casriyeynta adeegyada iyo kaabeyaasha dijitaalka ah ee Wasaaradda.
Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo khubarada SJGAP ayaa sidoo kale ka shaqeynaya diyaarinta qorshe shaqo oo lix bilood ah oo lagu qeexayo howlaha mudnaanta leh, jadwalka fulinta, masuuliyiinta hoggaamineysa, iyo taageerada farsamo ee loo baahan yahay.
Agaasimaha Guud Mudane Mohamed Xasan Shire ayaa Agaasimeyaasha Waaxyaha ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iideystaan aqoon-is-weydaarsiga, isla markaana ay xoogga saaraan hirgelinta qorshe mideysan oo sare u qaadaya waxqabadka, wada-shaqeynta, iyo tayada adeegyada Wasaaradda.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo qorsheynta, maamulka, iyo tayeynta shaqada hay’adaha dowladda.


