Wasiirka Amniga Gudaha oo Soomaaliya ku metelaya Wadahadallada Amniga ee Lianyungang

LIANYUNGANG, SHIINAHA —Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya- S/Guuto, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qaybgalay Wadahadallada Saddexaad ee Wasiirrada Bariga Afrika ee Fulinta Sharciga iyo Iskaashiga Amniga, kuwaas oo lagu qabtay magaalada Lianyungang ee gobolka Jiangsu, Shiinaha.

Wasiirku wuxuu soo bandhigay mudnaanta Soomaaliya ee xoojinta hay’adaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo dambiyada maaliyadeed. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya, dalalka Bariga Afrika iyo Shiinuhu yeeshaan iskaashi amni oo wax-ku-ool ah. Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Shiinaha taageerada uu siiyo Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo fulinta sharciga.

Scroll to Top