Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino-saarka (UNMAS)

Muqdisho Arbaco 06-05-2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino-saarka (UNMAS), Mudane Fran O’Grady, si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada miino-saarka, badbaadada shacabka, iyo amniga dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray tayeynta awoodaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF), xoojinta taageerada Hay’adda Maareynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliyeed (SEMA), iyo dardargelinta dadaallada lagu ilaalinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay khataruhu saameeyaan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada iyo xoojinta hay’adaha amniga si loo taageero nabad waarta, xasillooni, iyo badbaado bulsho.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay sii wadaysaa dadaallada lagu dhisayo hay’ado amni oo awood leh iyo bulshooyin ammaan ah iyadoo la adeegsanayo iskaashi miro-dhal ah iyo hoggaan Soomaaliyeed.

Scroll to Top