Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Xasan Shire ayaa shir muhiim ah la qaatay agaasimayaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha Wasaaradda

Muqdisho, Talaado, 05 May 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Xasan Shire ayaa shir muhiim ah la qaatay agaasimayaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda. Kulanka waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay qorshe howleedka waaxyaha, qaab-dhismeedka shaqaalaha, xiriirka iyo wada-shaqeynta rasmiga ah, gaar ahaan adeegsiga email-da rasmiga ah, iyo habraacyada safarrada shaqo.

Agaasimaha Guud ayaa ku booriyay madaxda waaxyaha iyo la-taliyayaasha in ay laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana ay si hufan u hirgeliyaan qorshayaasha u degsan Wasaaradda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah iyo isku xirnaan joogto ah si loo gaaro himilooyinka Wasaaradda, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

 

Scroll to Top