Shir u dhexeeyay sii haya Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xil. Maxamed Cali Xagaa iyo Safiirka British ee Soomaaliya Mr. Michael Nithavrianakis ayaa looga hadlay xaalada Amniga ee dalka, barnaamijka Daris wanaag (Borderlands project) iyo arimaha hormarinta Ciidanka Boliiska Somaaliyeed.
Wasiir Xagaa oo shirka uu ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amnga Gudaa Mudane Yusuf Cali Maxamed ayaa Safiirka kala hadlay sidii ay oogala shaqeyn lahaayeen hirgalinta qorshihii Amniga Qaranka ee Shirkii Amniga Diisambar ee New York, Wajiga hadda/Koowaad (2024-2025) iyo mudnaan siinta Qorshaha Horumarinta Qaybta Amniga (SSDP) ee 6-da sano ee soo socoto iyo qalabaynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (SPF).
Ugudanbayn Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka muhimada ay leedahay taageeridda Ciidanka maadaama ay ku guda jiraan lawareegidda Amniga Dalka ee lagala wareegayo ATMIS (kala-guurka ATMIS) iyo xaqiijinta in dhammaan ciidanka ay si fiican ugu qalabaysan yihiin hub iyo gaadiid ay u baahanyihiin.
– Dhammaad –
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Email: publicaffairs@mois.gov.so
Email: info@mois.gov.so
Facebook: https://www.facebook.com/moisjfs
Twitter: @mois_fgs
https://www.mois.gov.so