Muqdisho Arbaco 22 Abriil 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Generaal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta, ayaa si cad u muujiyay horumarka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay sugidda amniga gudaha, gaar ahaan deegannadii laga xoreeyay Khawaarijta.
Wasiirku wuxuu xusay in guulahaasi aysan imaan lahayn la’aanteed dadaallada mideysan ee hay’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si wadajir ah u xaqiijiyay xasilooni iyo nabad waarta.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyay in iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya hay’adaha amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo xasilin dhab ah, laguna hirgelin karo qorshayaasha dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
“Amniga iyo xasilintu waa masuuliyad wadajir ah, guushana waxay ku jirtaa midnimadeenna,” ayuu yiri Wasiirku.








