Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo Guddoomiyay Shirka Billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda, kaas oo lagu qiimeeyay waxqabadka Wasaaradda, dib-u-eegisna lagu sameeyay horumarka laga gaaray hirgelinta qorshayaasha mudnaanta leh iyo ajendayaasha muhiimka ah ee horyaalla Wasaaradda.

Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha ayaa soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan howlaha socda, heerka fulinta qorshayaasha Wasaaradda, iyo dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta hay’adda, kor u qaadista waxqabadka, iyo tayeynta adeegyada ay Wasaaraddu u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray diyaar-garowga Shirweynaha Amniga Qaranka ee la qorsheynayo in lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo laga wada hadlay xoojinta isku-duwidda howlaha, qorsheynta, iyo dhammeystirka diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah qabsoomidda shir si hufan oo guul leh u dhaca.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay Hoggaanka Wasaaradda dadaalka joogtada ah ee ay ku bixinayaan horumarinta waxqabadka Wasaaradda iyo gudashada waajibaadkeeda. Waxa uu ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo isku-duwidda shaqada si loo adkeeyo amniga dalka, loo horumariyo adeegyada bulshada, loona xaqiijiyo hirgelinta himilooyinka istaraatiijiga ah ee Wasaaradda.

Scroll to Top