Muqdisho, Soomaaliya 8 Jun 2026
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Ali Hagaa, ayaa caawa ka qeybgalay kulankii koowaad ee Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee sanadguurada 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh). Intii uu socday kulanka ayaa lagu gorfeeyay jadwalka shaqo ee guddiga, muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, iyo sidii si heer sare ah looga xusi lahaa gudaha dalka iyo dibaddiisaba, iyadoo sidoo kale diiradda la saaray dardargelinta howlaha qabanqaabada munaasabadaha ay ka qeyb qaadanayaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha Guddiga Golaha Wasiirrada Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-dubaridka howlaha lagu xaqiijinayo qabsoomidda munaasabadaha xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka si habsami leh oo u qalma qiimaha taariikhiga ah ee maalmahan ay u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. 🇸🇴





