Muqdisho, Soomaaliya – 20 May 2026.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay khabiir ka tirsan mashruuca SJAGP, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta nidaamyada tiknoolajiyadda macluumaadka (IT) iyo falanqaynta xogta (Data Analytics).
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay casriyeynta nidaamyada xog ururinta, habaynta iyo falanqaynta xogta si loo xoojiyo hufnaanta shaqo, tayada adeegyada, iyo taageeridda go’aan qaadasho ku saleysan xog sax ah.
Sidoo kale, waxaa la isla eegay doorka tiknoolajiyadda casriga ah ay ku leedahay xoojinta amniga gudaha, horumarinta maamulka xogta, iyo sare u qaadidda waxqabadka Wasaaradda.
Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah iyo ka faa’iidaysiga nidaamyada casriga ah ee xogta si loo horumariyo howlaha Wasaaradda iyo adeegyada loo hayo bulshada.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta farsamo iyo horumarinta adeegyada tiknoolajiyadda ee Wasaaradda Amniga Gudaha.



