Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo Kulan Wadatashi ah la Qaatay Warbaahinta Madaxa Bannaan si loo Xoojiyo Wada-shaqeynta iyo Xorriyadda Saxaafadda

Muqdisho, Soomaaliya – 20 May 2026.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay agaasimayaasha warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda iyo warbaahinta, kor u qaadidda isfahamka iyo isdhaafsiga xogaha muhiimka ah, iyo doorka warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada, nabadeynta, iyo dowlad-dhiska.
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ayaa dhageystay aragtiyaha, tallooyinka, iyo caqabadaha ay warbaahintu kala kulanto gudashada waajibaadkeeda, gaar ahaan arrimaha la xiriira helitaanka xogta iyo jawiga shaqo.
Mudane Maxamed Shire ayaa adkeeyay muhiimadda ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo dhisidda xiriir ku saleysan is-aaminaad, wada-shaqeyn, iyo mas’uuliyad wadajir ah.

Scroll to Top