Kulan wadatashi ah oo loogu diyaargaroobayo dib-u-eegista waxqabadka Wasaaradda Amniga Gudaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan wadatashi ah oo lagu eegayay diyaar-garowga booqashada dib-u-eegista waxqabadka Wasaaradda. Kulanka waxaa lagu lafaguray sidii loo dhammaystiri lahaa diyaarinta warbixinaha iyo xogaha muhiimka ah ee la xiriira qorshaha hawlqabadka sanadlaha ah.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ku-Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka, Mudane Cabdimaalik Cabdullaahi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’adaha Dowladda Federaalka. Intii uu kulanku socday, waxaa la isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda si booqashadu ugu dhacdo si habsami leh.

Booqashada ayaa diiradda saari doonta dib-u-eegista heerka uu marayo fulinta Qorshaha Hawlqabadka Sanadlaha ah ee Wasaaradda, iyadoo sidoo kale lagu qiimeyn doono horumarka la gaaray iyo diyaar-garowga kulamada la xiriira waxqabadka Dowladda. Ujeeddadu waa in la sii adkeeyo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo tayada shaqada hay’adaha amniga gudaha.

Scroll to Top