Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcaddii 5-aad ee Ciidanka Darawiishta Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta Soomaaliyeed, kaas oo lagu baray anshaxa iyo hab-dhaqanka ciidanimo, fulinta howlgalada khatarta badan, maaraynta hubka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, ciidamada ayaa la baray hababka gargaarka loogu fidiyo ciidanka iyo shacabka waxyeelladu kasoo gaarto goobaha dagaalka, iyo sidii ay si hufan uga howlgeli lahaayeen xaaladaha kala duwan.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan sharafta iyo anshaxa ciidanka, dhowraanna sharciga, isla markaana waajibaadkooda qaran u gutaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.

Tababarkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo awoodda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u noqdaan ciidan isku duuban oo si wanaagsan u ilaaliya amniga, nidaamka iyo kala dambeynta.

Scroll to Top