MUQDISHO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi socon doona muddo saddex maalmood ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta warbaahinta iyo hay’adaha amniga.
Aqoon-isweydaarsiga ayaa waxaa ka qaybgalaya masuuliyiin ka socota hay’adaha amniga, saxafiyiin, tifaftirayaal, afhayeenno iyo saraakiisha isgaarsiinta ee hay’adaha dowladda, kuwaas oo ka wada hadlaya sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka, loo xoojin lahaa isgaarsiinta amniga, loogana hortagi lahaa wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta xogta.
Khudbaddiisa furitaanka, Agaasimaha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya warbaahinta iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo gudbinta xog sax ah, korna loogu qaado wacyiga bulshada iyo amniga qaranka.
Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigu, ka qaybgalayaashu waxay falanqeyn doonaan mowduucyo ay ka mid yihiin anshaxa warbaahinta, hubinta saxnaanta xogta (fact-checking), maaraynta isgaarsiinta xilliyada qalalaasaha (crisis communication), iyo hababka lagu xoojin karo wada-shaqeynta warbaahinta iyo hay’adaha amniga.





