WASIIRKA AMNIGA GUDAHA OO KA QAYBGALAY SHIRKA GUDDIGA SARE EE HOGGAAMINTA MASHRUUCA SJGAP

Muqdisho, 24 Nofeembar 2026: Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane S/Guuto Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag, ayaa ka qaybgalay kulanka Guddiga Sare ee Hoggaaminta Mashruuca SJGAP, kaas oo diiradda lagu saaray taageerada dhinacyada Tiknoolajiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta (ICT) ee hay’adaha amniga iyo caddaaladda.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Caddaaladda iyo Gaashaandhigga, madax ka socday Xafiiska Midowga Yurub, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), wakiillo ka socday Mashruuca SJGAP iyo marti sharaf kale.

Intii uu kulanku socday, waxaa la falanqeeyay horumarka laga gaaray wejiyadii hore ee mashruuca, waxqabadkii laga hirgeliyay dhinacyada qalabka (Hardware) iyo barnaamijyada (Software), iyo qorshaha ka faa’iidaysiga wejiyada xiga ee mashruuca, kuwaas oo muhiim u ah tayeynta adeegyada amniga iyo caddaaladda.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa si gaar ah u adkeeyay mudnaanta qorshaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo hawlaha harsan, lana tixgeliyo baahiyaha mudnaanta koowaad u leh Wasaaradda, si waqtiga ka harsan mashruuca looga faa’iidaysto, loona xaqiijiyo in natiijooyinka mashruucu si toos ah uga qayb qaataan hirgelinta qorshaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Wasaaraddu waxay muhiimad gaar ah siinaysaa xoojinta kaabayaasha tiknoolajiyadda, casriyeynta nidaamyada shaqada iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga, si loo helo adeegyo hufan oo waafaqsan baahiyaha amniga qaranka.

Scroll to Top