WASIIRKA AMNIGA GUDAHA OO SI RASMI AH U DAAHFURAY NIDAAM CASRI AH OO LAGU MAAREYNAYO SHIRKADAHA AMNIGA GAARKA AH

Muqdisho, 23 Nofeembar 2026: Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane S/Guuto .Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag , ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda daahfurka nidaam casri ah oo loogu talagalay diiwaangelinta, maareynta iyo tababarka shirkadaha iyo ilaallada bixiya adeegyada amniga gaarka ah.

Nidaamkan ayaa diiradda saaraya saddex tiir oo muhiim ah: diiwaangelinta iyo maareynta shirkadaha amniga gaarka ah, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha ilaallada, iyo horumarinta tayada iyo xirfadda adeegyada amniga gaarka ah.

Daahfurka nidaamkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu casriyeynayo hab-maamulka shirkadaha amniga gaarka ah, kor loogu qaadayo tayada adeeg-bixintooda, laguna xoojinayo nidaamka diiwaangelinta, kormeerka iyo isla-xisaabtanka.

Scroll to Top