HORDHAC
Wargeyska Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ee Luulyo 2026 wuxuu ka hadlayaa dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo amniga dalka, horumarinta hay’adaha amniga iyo kobcinta iskaashiga gudaha iyo caalamiga ah. Intii lagu jiray bishan, Wasaaraddu waxay diiradda saartay qiimeynta xaaladda amniga, diyaarinta shirweynaha amniga qaranka, xoojinta amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xoojisay xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka ah sida Talyaaniga, Koonfurta Kuuriya iyo dalalka ka qayb qaata AUSSOM, iyadoo laga wada hadlay tababarro, taageero farsamo iyo horumarinta hay’adaha amniga. Waxaa sidoo kale la qabtay tababbarro lagu horumarinayo maamulka maaliyadda, qorsheynta iyo hufnaanta shaqada hay’adeed.
Guud ahaan, bishaan waxay ku suntanayd xoojinta amniga qaranka, tayeynta hay’adaha, dhismaha awoodda shaqaalaha iyo ballaarinta iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Read Attached Document
WARSIDAHA WASAAARADA AMNIGA GUDAHA – BISHA LUULYO 2026





