Wasaaradda Amniga Gudaha oo Bilowday Tababar Lagu Xoojinayo Maamulka Maaliyadda iyo Qorsheynta Miisaaniyadda

Muqdisho, Soomaaliya – Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Ifrah Salaad, ayaa maanta si rasmi ah u furtay tababar ku saabsan maamulka maaliyadda dadweynaha, qorsheynta miisaaniyadda iyo diyaarinteeda. Tababarkan ayaa lagu xoojinayaa aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda ee la xiriira maareynta maaliyadda, qorsheynta iyo diyaarinta miisaaniyadda, si loo dhiso hannaan maaliyadeed oo hufan, daahfuran isla markaana lagu kalsoonaan karo, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta adeegyada dowladda iyo sare u qaadista isla xisaabtanka hay’adaha. Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha tababarka, isagoo xusay in tababarkani uu leeyahay muhiimad gaar ah oo ku aaddan kordhinta aqoonta, xirfadaha iyo tayeynta shaqaalaha Wasaaradda Amniga Gudaha, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo. Marwo Ifrah Salaad ayaa intii ay socotay munaasabadda furitaanka ku adkaysay ka qeybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha lagu bixinayo tababarka, kuwaas oo si toos ah ula xiriira maamulka maaliyadda iyo qorsheynta miisaaniyadda, si loo xaqiijiyo hufnaan, daahfurnaan iyo maamul wanaagsan. Waxay sidoo kale tilmaantay in tababarradan ay door muhiim ah ka ciyaarayaan kobcinta awoodda hay’adaha dowladda iyo tayeynta hababka maamulka maaliyadeed, taas oo gacan ka geysanaysa hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda iyo xoojinta waxqabadka hay’adaha qaranka. Tababarkan ayaa waxaa ka qeybgalaya 21 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Amniga Gudaha, kuwaas oo isugu jira shaqaalaha Waaxda Maaliyadda iyo shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, waxaana uu socon doonaa muddo hal toddobaad ah.

Scroll to Top