Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo Muqdisho uga Shiraya Xoojinta Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Amniga Muqdisho, Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfurtay Shirka Wadatashiga Amniga Labada Heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo lagu xoojinayo isku-duwidda, wada-shaqeynta iyo mideynta dadaallada amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada, madaxda hay’adaha amniga iyo saraakiil sare oo ka kala socda hay’adaha amniga dalka, ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta xaaladda amniga Soomaaliya, horumarinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyo dejinta qorsheyaal mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha amni ee jira laguna adkeynayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u furay shirka, isagoo adkeeyay in wada-shaqeynta dhow ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga dalka, ka hortagga khataraha amni, iyo xaqiijinta amni waara oo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga wada faa’iideystaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in shirku yahay madal istiraatiiji ah oo lagu mideynayo aragtiyaha iyo dadaallada hay’adaha amniga dalka, laguna xoojinayo iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha amniga si loo helo hannaan amni oo hufan, isku xiran, kana jawaabi kara baahiyaha amni ee dalka.
Mudada uu shirku socdo, waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, hirgelinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, horumarka laga sameeyay hannaanka cusub ee booliiska, wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, maamulka xuduudaha, iyo qorshayaasha mudnaanta u leh amniga qaranka.

Shirka ayaa la filayaa inay kasoo baxaan talooyin iyo go’aanno wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, lagu adkeynayo isku-duwidda howlaha amniga, isla markaana lagu horumarinayo dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amni waara, xasillooni iyo dowladnimo xooggan oo dalka oo dhan ka hanaqaadda.

Scroll to Top