Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Ka Qeybgalay Kulan Heer Sare ah oo Ku Saabsan Qorshaha Wada-shaqeyneed ee ONS iyo UNMAS

Muqdisho, Soomaaliya – 7 Juun 2026:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Hassan Shire, ayaa maanta ka qeybgalay kulan heer sare ah oo lagu falanqeeyay qorshaha wada-shaqeyneed ee u dhexeeya Xafiiska Amniga Qaranka (ONS) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Miinooyinka (UNMAS).

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka Mudane Cabdimaalik, iyo Madaxa UNMAS, Marwo Fran O’Grady, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah ee dhinacyada la xiriira miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Qorshahan wada-shaqeyneed ayaa ah madal ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo fududeysa isku-duwidda hay’adaha dowladda si loo hirgeliyo hannaan mideysan oo lagu xoojinayo dadaallada ka hortagga miinooyinka iyo yaraynta khataraha ka dhasha walxaha qarxa.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray hirgelinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka Hortagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa, horumarinta qorshayaasha Maareynta Hubka iyo Rasaasta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha amniga ee dalka.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay horumarka ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo si isa soo taraysa ula wareegaya masuuliyadda howlaha la xiriira baarista, ka hortagga iyo burburinta walxaha qarxa, iyo sidoo kale maareynta hubka iyo rasaasta.

Kulanka ayaa lagu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Hay’adda Maareynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya (SEMA) ay ka qaadato isku-duwidda howlaha bani’aadannimo ee miino-baarista, si loo xaqiijiyo badbaadada bulshada loona taageero shacabka ay saameeyeen miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed Hassan Shire, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee hay’adaha dowladda, ciidamada amniga iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga dalka, loo yareeyo khataraha amni ee ka dhasha walxaha qarxa, loona ilaaliyo badqabka sh

Scroll to Top