Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Qaabilay Wafdi ka Socday IOM Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda IOM oo ay hoggaaminaysay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska, Prestage Murima. Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Mudane Mpilo Nkomo, oo dhowaan la wareegi doona xilka Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska IOM Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan maamulka socdaalka, maaraynta xuduudaha, xasilinta iyo horumarinta hawlaha wadajirka ah.

Agaasimaha Guud ayaa IOM uga mahadceliyay taageerada iyo wada-shaqaynta joogtada ah, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta isku-dubbaridka iyo iskaashiga ku aaddan amniga gudaha iyo xasilinta dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta iyo Siyaasadda, Maamulka iyo Maaliyadda.

Scroll to Top