WARSIDAHA WASAARADDA AMNIGA GUDAHA – BISHA SEBTEMBER 2026

HORDHAC

Intii lagu jiray Sebtembar 2026, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay xoogga saartay xoojinta maamulka, isku-duwidda iyo awoodda hay’adaha amniga gudaha. Waxaa si gaar ah loo dardargeliyay hirgelinta natiijooyinkii Shirweynihii Qaran ee Maamulka iyo Isku-duwidda Amniga Gudaha, kaas oo diiradda lagu saaray korjoogteynta hay’adaha, isku-duwidda hawlaha amniga iyo dhisidda hay’ado amni oo waara.

Wasaaraddu waxay sidoo kale xoojisay iskaashiga amni ee heer qaran iyo heer caalami, iyadoo ka qaybqaadatay kulamo iyo shirar looga hadlay xoojinta hay’adaha amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan, amniga xuduudaha iyo dambiyada internetka.

Dhanka kale, waxaa mudnaan la siiyay horumarinta waxqabadka hay’adaha, isla-xisaabtanka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

Guud ahaan, waxqabadka Wasaaradda intii lagu jiray Sebtembar 2026 wuxuu muujinayaa dadaal joogto ah oo lagu xoojinayo hay’adaha amniga, isku-duwidda hawlaha amniga iyo iskaashiga gudaha iyo dibadda, si loo gaaro amni gudaha oo wax-ku-ool ah, waara, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan iyo wada-shaqeyn.

Akhri Dukumentiga Lifaaqan

WARSIDAHA WASAAARADA AMNIGA GUDAHA – BISHA SEBTEMBER 2026

Scroll to Top