Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Daah-furay Barnaamijka Xoojinta Amniga Xuduudaha iyo Garoomada Diyaaradaha

Muqdisho, 23 Luulyo 2026 –  Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha iyo Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya, oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha ka shaqeeya sugidda amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha.

Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa casriyeynta maamulka xuduudaha, tayeynta hay’adaha amniga, xoojinta amniga garoomada diyaaradaha, iyo kobcinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in dowladda ay mudnaan siinayso dhismaha hay’ado amni oo awood u leh sugidda amniga xuduudaha iyo la tacaalidda khataraha amni ee casriga ah.

Scroll to Top