20 Luuliyo 2026 Muqdisho: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Shiire, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray laba tababar oo lagu xoojinayay awoodda shaqaalaha Wasaaradda ee maamulka maaliyadda dowladda, qorsheynta iyo diyaarinta miisaaniyadda, iyo fulinta iyo warbixinta miisaaniyadda.
Khudbaddiisa xiritaanka, Agaasimaha Guud ayaa sheegay in tababarradani ay qayb ka yihiin dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamul-wanaagga, si loo hubiyo in khayraadka dowladda si hufan oo waxtar leh loo maareeyo, loona horumariyo tayada adeegyada ay Wasaaraddu u fidiso shacabka.
Waxa uu ku boorriyay ka qaybgalayaasha inay aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah, ayna gacan ka geystaan diyaarinta miisaaniyad tayo leh, xoojinta nidaamyada xakamaynta gudaha iyo soo saarista warbixino maaliyadeed oo sax ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata hufnaanta maamulka dowladda.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale uga mahadceliyay SJGAP, Midowga Yurub iyo khubarada tababarka taageerada iyo doorka ay ka qaateen hirgelinta tababarrada, isagoo caddeeyay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha iyo nidaamyada maamulka maaliyadda si loo xoojiyo waxqabadka hay’adda.





