𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗼𝗼 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗞𝘂𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗧𝗼𝗱𝗱𝗼𝗯𝗮𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗲𝗲 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗮𝘅𝘆𝗮𝗵𝗮

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, kaas oo lagu falanqeeyay horumarka shaqooyinka socda, xaaladda amniga guud, dib-u-casriyeynta Wasaaradda, iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee la fulinayo muddada soo socota.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixino ku saabsan howlaha waaxyaha kala duwan iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga xarunta Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ayaa ku boorriyay Agaasimeyaasha inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda si loo xaqiijiyo amni waara iyo adeeg hufan.

Scroll to Top