Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga Amniga ee Labada Heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka, kaasi oo socday muddo labo maalmood ah, laguna xoojinayay wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga dalka.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in madashani ay ahayd mid istiraatiiji ah oo lagu mideeyay aragtiyaha iyo qorshayaasha hay’adaha amniga, laguna xoojiyay iskaashi buuxa oo lagu xaqiijinayo amni waara oo dalka oo dhan ka hanaqaada.
Mudadii uu shirka socday, waxaa si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin maamulka xuduudaha, horumarinta nidaamka amniga qaranka, hirgelinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, si loo helo hannaan amni oo isku xiran oo wax-ku-ool ah.
Shirka waxaa ka qeyb galay wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada, madaxda hay’adaha amniga iyo saraakiil sare oo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee amniga dalka, kuwaas oo diiradda saaray xaaladda guud ee amniga dalka iyo mideynta dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida.
Ugu dambeyn, shirka ayaa laga soo saaray war saxafadeed iyo go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, laguna dardargelinayo dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni iyo dowladnimo xooggan oo dalka oo dhan ka hanaqaadda.





