




Muqdisho Arbaco 06-05-206: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Sare ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan la-dagaallanka dembiyada ee Bariga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga gudaha iyo taageerada lagu horumarinayo hay’adaha amniga ee dalka. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay dardargelinta dadaallada la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, ka hortagga tahriibinta dadka, iyo xoojinta wada-shaqeynta la xiriirta la-dagaallanka dambiyada abaabulan iyo khataraha amni ee xuduudaha ka gudba.
Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah, si loo xoojiyo nabadgelyada dalka, kor loogu qaado awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed, loona taageero dadaallada dowladda ee sugidda amniga iyo xasilloonida.
Wasaaradda Amniga Gudaha XFS waxay sii waddaa dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo xoojinaysa wada-shaqeynta ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah.