WARSIDAHA WASAARADDA AMNIGA GUDAHA – BISHA AGOOSTO 2026

HORDHAC

Warbixintani waxay soo koobaysaa hawlaha, kulamada iyo horumarrada muhiimka ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha intii lagu jiray Agoosto 2026, iyadoo muujinaysa dadaallada socda ee lagu dhisayo hay’ado amni oo isku-duwan, hufan oo si wanaagsan ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

Intii lagu jiray bishan, Wasaaraddu waxay xoogga saartay xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga, diyaar-garowga Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha 2026, horumarinta awoodda ciidamada, isla-xisaabtanka hay’adaha iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah. Waxaa sidoo kale la qabtay kulamo iyo wadatashiyo lagu dardargelinayo qorshayaasha shaqo iyo dib-u-eegista waxqabadka Wasaaradda.

Bisha Agoosto 2026, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadday dadaallada lagu xoojinayo amniga gudaha, tayeynta hay’adaha amniga, isku-duwidda dowladda iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo bah-wadaagta caalamiga ah.

Read Attached Document

WARSIDAHA WASAAARADA AMNIGA GUDAHA – BISHA AGOOSTO 2026

Scroll to Top