WAR-SAXAAFADEED: Shirweynaha Qaran ee Maamulka iyo Isku-duwidda Amniga Gudaha oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Muqdisho, 2 Sebteembar 2026 — Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay Shirweynaha Qaran ee Maamulka iyo Isku-duwidda Amniga Gudaha, oo 1–2 Sebteembar 2026 lagu qabtay teendhada Afisyooni ee Garoonka Diyaaradaa ee  Muqdisho, iyadoo halku-dhiggiisu ahaa “Xoojinta Maamulka qeybaha Amniga Gudaha.” Shirweynuhu wuxuu diiradda saaray xoojinta maamulka iyo korjoogteynta hay’adaha amniga gudaha, sii xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo dhisidda hay’ado amni oo la awoodi karo bixinta kaharashaadkooda.

Shirweynaha qeybtiisa furitaanka waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, waxaana si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Shirweynuhu wuxuu isu keenay hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda, oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Difaaca, iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyo bah-wadaagta caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Hawlgalka KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyo sidoo kale safiiro, khubaro amni iyo daneeyayaal kale.

Halkaan ka aqriso

WAR-SAXAAFADEED: Shirweynaha Qaran ee Maamulka iyo Isku-duwidda Amniga Gudaha oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Scroll to Top