Kulanka Todobaadlaha ah ee Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo Lagu Falanqeeyay Horumarka Shaqooyinka iyo Qorshayaasha Horumarineed

Muqdisho, Soomaaliya – 9 Juun 2026 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka joogtada ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta dib-u-habeynta hay’adeed, kor u qaadista hufnaanta shaqooyinka wasaaradda, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha hoos yimaada wasaaradda iyo bahwadaagta taageerta.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarka laga gaaray hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiga ah ee wasaaradda, dib-u-habeynta qaab-dhismeedka waaxyaha si ay ula jaanqaadaan mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), horumarinta nidaamyada maamulka iyo maaliyadda, kobcinta awoodda shaqaalaha, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha hoos yimaada wasaaradda si loo xaqiijiyo adeegyo amni oo hufan, waxtar leh, isla markaana ka jawaaba baahiyaha dalka.

Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan waxqabadkii la qabtay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee la fulin doono bilaha soo socda. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray hababka lagu xoojin karo isku-duwidda howlaha waaxyaha kala duwan si loo dedejiyo hirgelinta qorshayaasha iyo himilooyinka wasaaradda.

Mudane Maxamed Shire ayaa ku bogaadiyey Agaasimayaasha dadaallada ay muujiyeen, isagoo ku adkeeyay muhiimadda isla xisaabtanka, wada-shaqeynta, iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha dib-u-habeynta iyo casriyeynta wasaaradda.

“Xoojinta awoodda hay’adeed, hufnaanta maamulka, iyo horumarinta shaqaalaha waa aas-aaska lagu xaqiijin karo adeegyo amni oo tayo leh iyo hay’ado dowladeed oo si wax ku ool ah ugu adeega shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Scroll to Top