Waaxda Dib-u-habeynta iyo Xasilinta Amniga

Hordhac

Waaxda Xasilinta iyo Dib-u-habaynta Amniga waa waax muhiim ah oo talo-bixin siisa Agaasimaha Guud. Waxay bixisaa hagid istiraatiiji ah oo ku saabsan qorsheynta, isku-dubbaridka, iyo hirgelinta barnaamijyada dib-u-habaynta amniga iyo dadaallada xasilinta ee deegaannada laga xoreeyay kooxaha amni-darrada abuura.

 

Waaxdu waxay door muhiim ah ka qaadataa xoojinta hay’adaha amniga gudaha, taageeridda geeddi-socodka dib-u-habaynta, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida waarta. Waxay sidoo kale ka shaqeysaa in deegaannada la xoreeyay loo beddelo bulshooyin ammaan ah, xasilloon, isla markaana leh maamul hufan.

 

Himilo: In la taageero dhismaha bulshooyin ammaan ah, xasilloon, oo adkaysi leh, halkaas oo hay’adaha amniga ee wax ku oolka ahi ay ku shaqeeyaan kalsoonida shacabka iyo isla-xisaabtan.

 

Hadaf: Waaxdu waxay u heellan tahay:

  • Horumarinta dib-u-habaynta hay’adaha amniga
  • Taageeridda dadaallada xasilinta ee deegaannada dhowaan la xoreeyay
  • Xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada
  • Kor u qaadista nabadda waarta iyo maamul wanaagga

Qaybaha Dib-u-habeynta iyo Xasilinta Amniga

Waaxda Dib-u-habeynta iyo Xasilinta Amniga waxay ka kooban tahay labo qaybood.

Qaybta Dib-u-habeynta Hay’adaha Amniga

Qaybta Xasilinta

Scroll to Top