Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta qayb ka ahaa munaasibadii xadhig jarka xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda Laanta Baydhabo

Baydhabo, 22, June, 2025:-Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdullahi Shiikh Ismaaciil oo maanta qayb ka ahaa munaasibadii Madaxwaynaha maamul gobaleedka koonfur galbeed xadhiga uga jaray Wasaaradda Amniga dowlad goboleed kaasi ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda Laanta magaalada Baydhabo.

Kormeerkan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo habsami u socodka howlaha xarumaha dowladda, si loo hubiyo adeegyada ay bixiso Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee bixinta baasaboorrada iyo hubinta socdaalka.

Intii kormeerku socday waxa uu la kulmay mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada xarunta oo uu ka dhageystay warbixinno la xiriira horumarka la gaaray iyo fursadaha lagu wanaajin karo adeegyada ay u hayaan dadka deeggaanka

Scroll to Top