
Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shaacinaysaa qabsoomidda Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha (National Internal Security Conference ), kaas oo lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, 1–2 September 2026.
Shirweynahan qaran ayaa noqon doona madal muhiim ah oo looga arrinsado amniga gudaha, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyo horumarinta istaraatiijiyadaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

