



Muqdisho, 15 Nofeembar 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed H. Shire , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray horumarka laga gaaray dejinta siyaasadaha iyo shuruucda lagu hago hay’adaha amniga Soomaaliya iyo sida dib-u-habayntaas loogu xoojin karo korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka hay’adahaas.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dadaallada looga hortagayo fikirka xagjirka ah. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Kyle Conahan, oo ah mas’uul sare oo dhinaca barnaamijyada ah, waxaana la socday Bob Flannery, oo u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika.


