



Ku-simaha Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Faarax, ayaa guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray hirgelinta natiijooyinkii Shirweynihii Amniga Gudaha ee 1–2 Sebtembar 2026, iyo qiimeynta waxqabadka sanadlaha ah ee Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada.
Waxaa sidoo kale la isla eegay hawlaha la qabtay, kuwa socda iyo caqabadaha hortaagan kuwa aan weli qabsoomin, iyadoo la adkeeyay in la dardargeliyo hawlaha mudnaanta u leh Wasaaradda.




