Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Shacabka Muqdisho Kala Qaybgalay Dabaal-degga Ciidda iyo Xoojinta Amniga Dalka 🇸🇴

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa caawa kulan ballaaran la qaatay shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho iyo madaxda dalka, kuwaas oo si wadajir ah ugu dabaal-degayay maalinta koowaad ee munaasabadda barakeysan ee Ciidda.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Gen. Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag, iyadoo munaasabadda ay kusoo aaday xilli dalka laga dareemayo horumar muuqda oo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo dib-u-soo kabashada bulshada ah, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada bulshada, wadajirka shacabka iyo taageerada joogtada ah ee lagu garab istaagayo ciidamada ammaanka Qaranka.

Waxaa sidoo kale si weyn loo bogaadiyay dadaallada ay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan sugidda nabadda iyo xoojinta xasilloonida dalka, taasoo horseedday in Muqdisho ay maanta noqoto magaalo si weyn looga dareemayo amni, deganaansho iyo nolol dib usoo kabaneysa.

Madaxda ayaa xusay in horumarka amni ee caasimaddu uu yahay guul qaran oo ka dhalatay wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka, iyagoo shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada si loo adkeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

Scroll to Top